Madaxdii hore maxay ka yiraadeen heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashada?

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Midowga Murashixiinta Mucaaradka ah ayaa si isku mid ah u bogaadiyay heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashada Soomaaliya oo maanta xaflad lagu soo gabagabeynayay lagu qabtay magaalada Muqdisho .

Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegayin loo baahanyahay in hirgalinta waxayaabaha lagu heeshiyay si wada jir ah loo garab istaago isaga oo uga mahadceliyay madaxdii ka soo shaqeysay in xal la gaaro.

“Waxaa wax weyn ah si kasta oo loo kala aragti duwanaa iyo khilaafku meel kasta oo uu gaaray maanta in aan halkaan ku heshiinay marka anoo ku hadlaya magaca madaxda Midowga Musharaxiinta waan soo dhweynaynaa “ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in soo afjaridda is mari-waagii ka taagnaa doorashada ay tallaabo wanaagsan oo taariikhi ah.

“Maanta waa maalin ay soo dhamaadeen maalmo dheer oo cabsi badan ay socotay oo dadka soomaaliyeed ay baqayeen oo aan la kala garanaynin halka uu dalku u socodo” ayuu yiri Mr Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhamaan mas’uuliyiintii iyo madaxdii maanta ka hadashay xafladda lagu soo gunnaanudayay shirkii maamahaan Muqdisho uga socday raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goballeedyada oo ugu dambeyn looga heshiiyay arrimaha doorashada ayaa dhamanatood si wada jir ah u bogaadiyay una soo dhaweyay horumarka laga gaaray khilaafkii doorashada.