Garta Maqaamka Muqdishu inta aan la weydiin Maamul gobaleedyo iyo Masuuliyiin aan Xaqba u leheyn…=Nasashada Jimcaha. Q-254=

1. Maamulaha Dusiga Hoose ee “Al Tacbaan” ( F.S:1aad). Maamule Mr. George ( F.S: 2aad) iyo Macalimadda Dugsiga Mrs. Mary (F.S:3aad) ayaa Xal u waayay Dhibaato ka jirtay Dugsiga. waxay u diyaariyeen Riwaayad la yiraa “Calanka ku caburi” . Madaxii Ardayda “Kaaba Galaaskii”waxaa lagu yiri: Adigu wajigaaga Alwaax ku Qari ( F.S: 4aad) Ardaydiina waxaa la yiri: ha hadlina ( F.S:5aad), Shacabkuna wax uma jeedo ( F.S:6aad), faham la’aanna ha daawadeen.
Kii fahmana, waa qaran dumis, heshiis diid, dhinaca xun kaliya ayuu wax u arkaa.
Ma la heshiiyay mise waa la hamiyay? ” Somalidaa ku maahmaahdo Anigu ku sheegi maayo ee Shan Bilood yeyna ku sheegin”.
(No Comment)
2. Wadaado Tabliiq ah oo Ajaanibi u badan ayaa tagay Tuulo ku taal Baadiyaha Gaalkacyo. Haweeneey ayey ku yiraahdeen: Waxaan ku weydiineynaa, ma taqaan Saxaabiga Cumar Bin Khidaab. waxa ey ku tiri: Shiikhoow Aniga iyo Reerkeeygu Tuuladaan waa ku Cusubnahay oo mar dhaw ayaan soo dagnay ee Reerahaa kale weeydii.
(Tabliiq iyo Reer Tuulo, ha leeys fahamsiiyo, Qurba joog Xil dhadhamiyay iyo Qorax joog ka qaajoona ha leeys fahamsiiyo)
3. Gabar 9 jir ajayaa ayaa maqashay in Aabaheed uu Naago badan guursday, Hooyana ey guursatay Aabe oo kaliya.
Aabe iyo Hooyo oo wada fadhiyo ayey weydiisay: Horta Raggu maxey Haween badan u guursadaan, dumarkuna mid kaliya?
Aabihii oo is difaacayo ayaa yiri: Gabartey, Haddii Furuhu uu furi karo Qunful kasta waxaa la yiraa “Master key” waana Fure fiican.
Laakin haddii Qunfulku uu yahay mid Fure kasta uu furi karo waxaa la yiraa “bad lock” waa qunful xun. ( F.S: 7 & 8aad).
(Haddii Su’aashaa Hooyada la weydiin lahaa, iyaduna maxey ku jawaabi leheyd?).
4. Nin ayaa qaaligii ku yiri: waxaan rabaa in aan Xaaskeyga iska furo. Qaaligii ayaa ku yiri: maxaad u furee?.
Ninkii ayaa yiri: Habeenkii oo dhan wey maqan tahay, marba Baar ayeey tagtaa.
Qaaligii ayaa yiri: iska fur Naag Habeenkii oo dhan Baararka ku wareegee, Alkoliiste miyaa, Adiga ayey ku khayaanee. Hadda horteeyda ku dalaaq.
Wiil yar oo Maxkamadda joogay ayaa yiri: Bal horta ha noo sheego sababta ey Baararka u aado, inta uuna furin.
Ninkii ayaa yiri: Xaasku Alkoliste ma ahan, weligeedna ima khayaanin, ee Baararka Anniga ayey iga raadinee oo Habeenkii ayaan u baashaal tagaa Baararka.
( Garta Maqaamka Muqdishu inta aan la weydiin Maamul gobaleedyo iyo Masuuliyiin aan Xaqba u leheeyn, Caruurta ha la weediiyo, Haddii kale…….)
5. Naag ayaa rabtay in Ninkeeda ey ku hor ceebeeyso Waalidkeed, waxa ey tiri: Aabe iyo Hooyo Ninkaani Sariirta kuma fiicno.Walaasheed ka yar ayaa mar kaliya ku qeeylisay, waa beenteed.
( Taageerayaasha Siyaasiyiintoow, Adinkoo is leh, Madaxda Difaaca, ha uga sii daranina)
6. Farax qaliir ayaa Reerkiisu ku khasbay in uu Guursado, Aamino Butaceey oo ah Gabar Adeerkii dhalay oo uuna hore u arag oo Qurbaha ka timid. waxa ey aheyd Gabar aad iyo aad u buuran, Habeenkii ugu horeeyay ayeey sariirta wada seexdeen. Subixii ayuu horteed soo toosay, waxa uuna ku yiri: Abaay Jalbaabkaagii ayaa Dhuka kaga dhacay ee ka qaado. waxa ey ku tiri: waa kastuumadeeydii. ( F.S: 9aad)
( Shib naga dheh)
Qore: Yahya Amir