Madaxweynaha Masar oo booqanaya Jabuuti.

Madaxweynaha Dalka Masar,Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa maanta booqasho ku tegaya dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Dalkaasi.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Masar  Al-siisii uukala hadli doono dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle sida loo xoojin karo xiriirka labda dal gaar ahaan  arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.