Hoggaanka Sare ee Musharixiinta iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo hada shir ugu socda Muqdisho.

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka socda shir u dhexeeya hoggaanka ugu sareeya Midowga Musharraxiinta Mucaaradka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Shirka ayaa waxaa uu u socdaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa tabashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan doorashooyinka 2021-ka iyo qaabka ay madaxda ugu heshiiyeen awood qeybsiga kuraasta gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi la doonayo in lagu qanciyo sidii uu aqbali lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo saarayo xallinta arirnta xubnaha gobolada waqooyi, islamarkaana madaxda musharixiinta uu u raaco munaasabada ka socota Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee Taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka soo horjeestay shirka maanta lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka Soomaaliya, kaasi oo ay wada gaareen madaxda Soomaalida.