QM oo hogaamiyaasha Soomaalida ugu baaqday inay ka gudbaan qodobada kale ee dib u dhac ku keeni kara Doorashada.

Ergeyga ugu sareeya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa Talaadadii ugu baaqey hogaamiyaasha dalka in ay si niyad sami ah ugu gorgortamaan sidii loo jabin lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhashey doorashooyinkii la filaayay inay waqtigoodi kudhacaan ee dib u dhaca ku yimid.

“Waxaan mar kale ku boorrinayaa madaxda Soomaalida inay xalka ku raadiyaan si niyad wanaag, iyo inay muujiyaan isutanaasul si dalku u gaaro marxalada Doorashada taas oo noqon doonta mid taarikhi ah” ayuu ku yiri Mr Swan warbixin uu siiyay Golaha Amniga.

Kadib shirar isdaba joog ah oo kalsooni dhisid ah, wadahadalada ayaa hada udub dhexaad u ah xalinta arrimaha harsan ee laxiriiraa hirgalinta heshiiskii doorashada ee Sept. 17 ee 2020, ayuu yidhi.

Illaa iyo hadda, jawi wanaagsan ayaa jira, dhammaan dhinacyadana waxay soo sheegaan horumarka laga sameeyay wadahadallada. Waxay u muuqataa inay dhinacyadu aad ugu dhow yihiin heshiis, ayuu yidhi Mr swan oo Xaalada Somalia uga warbixinayay Golaha amaanka.

James swan waxaa sidoo kale kamid ahaa hadaladiisi “Saxiixayaasha heshiiska Sebtember 17 waa inay hadda ballan-qaadaan waddo cad oo horay loogu qaadayo qabashada doorashooyinka”

Swan wuxuu sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay wali tahay mid laga walaaco. Al-Shabaab weli waa khatar weyn oo muujinaysa awoodda ay u leedahay qorsheynta iyo fulinta weerarada adag ee lala beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan oo ku baahsan Soomaaliya.

Xaaladda bani’aadamnimada ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo 5.9 milyan oo Soomaali ah – ama in ka badan saddex-meelood meel dadka – ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo sannadkan. In ka badan 3 milyan ayaa u baahan gargaar naf-badbaadin ah, ayuu yiri Swan.