Qareennada matalaya qoyska uu ka soo jeeday ganacsadihii Somaliga ahaa oo warqad u qoray Kenya.

Qareennada matalaya qoyska uu ka soo jeeday ganacsadihii Somali-Mareykanka ahaa ee la dilay, Bashiir Maxamed, ayaa warqad u qoray Agaasimaha waaxda dacwad soo oogista guud ee Kenya, iyagoo ka dalbaday in la sameeyo baaritaan madax bannaan oo la xiriira dilkiisa.

Bashir ayaa la waayay 13-kii bishan May kaddib markii uu ka tagay xaafadda Mialle Lounge ee ka tirsan deegaanka Lavington. Balse waxaa maalmo kaddib meydkiisa laga helay wabiga Nyamindi ee ku yaalla magaalada Mwea ee ismaamul goboleedka Kirinyaga.

Baaritaan lagu sameeyay meydkiisa ayaa lagu ogaaday inuu u geeriyooday jeedin loo adeegsaday gacmaha iyo in la jir dilay isagoo wax lagu garaacayay, mar la gubayay iyo sidoo kale in laga siibay ciddiyaha lugaha, sida uu qoray wargeyska Daily Nation.

Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegayay in FBI-da Mareykanka ay ka qayb qaadaneyso baaritaannada la xiriira dilka ninkaas dhalinyarada ah ee kasoo jeeday Soomaaliya.