Militariga Itoobiya oo xirxiray boqollaal qof oo ku jiray xeryaha Tigray.

Boqollaal qof oo ka barakacay dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa la xirxiray kaddib markii ay meel isugu geeyeen ciidamo ka tirsan militariga isbuucan, sida ay sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Saraakisha taliska militariga Itoobiya ayaa beeniyay sheegashadan, waxayna ku tilmaameen war aan sal iyo raad toona lahayn oo la abuuray.

Xariga dadka ee lasoo tabiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta ka dhacay magaalada ku taalla gobolka Tigray ee lagu magacaabo Shire.

Goob joogeyaasha ayaa BBC-da u sheegay in askartu ay galeen xeryaha qaxootiga ku meel gaarka ah ee iskuullada Tsehaye iyo Wonfito ayna xirxireen boqollaal qof oo u badan rag.