Wararkii ugu Dambeeyay ee Shirka Madaxda Soomaalida iyo Qodabadii ugu adkaa oo la isku afgatay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa sheegaya in maanta madaxda Soomaalida ay ka doodayaan saddexdii qodob ee horey u burburiyay shirarkii hore, kuwaasi oo kala ahaa arrinta Gedo, Soomaaliland iyo guddiga doorashooyinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxda ay is faham weyn ay ka gaareen shirka, islamarkaana ay meel isla dhigeen inta badan qodobada qaar , halka weli aan la isku fahmin arrinta Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ayaa isku dayaya inay xaliyaan muranka u dhaxeeya labada garab ee kala ah Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxaana si gaar ahaan looga doodayaa dhismaha guddiga maareynta doorashooyinka Somaliland oo aad la isugu haayo qaabka loo qeybsanayo tirada xubnaha guddiga labada dhinac kala helayaan.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ilaa maanta lagu wado in xal laga gaaro arrintaas, kaddibna la diyaariyo munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.