Al-shabaab oo madaafiic ku TuuladaGalgala ee gobolka Bari .

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-shabaab ay 20 hoobiye ku garaaceen tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in duqeynta uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland.

Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan.

Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.