Madaxweynihii hore Xasan Sheekh “Dowladnimadeenu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah”

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka Midowga Musharaxiinta, oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa soo dhoweeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo u rajeeyay in guul iyo natiijo wax ku ool ah ka soo baxaan.

“Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.