Madaxweyne Farmaajo ma ka qeybgalayaa shirka ka furmay Muqdisho?

Waxaa maalinkii labaad galay shir u dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada iyo fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020.

Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Haddaba, madaxweyne Farmaajo u u furan tahay fursad uu kaga qeybgalayo shirkaas? Arrintaas ayaan halkan ku falanqeyneynaa:

Madaxweynaha ma ka qeygbeli karaan shirkan?

Dr Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan ka furmay Muqdisho, ay ku xiran tahay “qaab farsamo ama wadahadalka looga shaqeeyo.”

“Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, ka dib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Dhinacyada waxay 17-kii Septmeber ee 2020, ku heshiiyaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya, balse waxaa dib uga soo noqday khilaafyo sababay in uu shirkaas dhaqangali waayo.

Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho. In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?; Dr Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”.

“Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray.

.

Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? Dr Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.”

“Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”.

Afar arrimood oo caqabad ku noqon kara wadahadallada doorashada

Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Nidaamka federaalka ee nugul

Nidaamka federaalka ee Soomaaliya waxaa loo aasaasay si loo soo afjaro khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya qabaa’ilka, kaasoo hor istaagay isku daygii lagu dhisi lahaa dowlad mideysan. Arrintan ayaa gogol xaadh u ahayd dib-u-dhiska gaabiska ah ee hay’adda amniga qaranka, in kasta oo weli ay wax badani kala daansan yihiin.

Hay’adaha maaliyadeed ayaa sidoo kale dib loo unkay iyadoo dalku doonayo inuu dib ula macaamilo hay’adaha dhaqaale ee adduunka, 30 sano ka dib oo saaxaddaasi ka maqnaa.

Ismari waaga doorashada ayaa cirka is kusii shareeray kaddib xiisadda daba dheeraatay ee u dhaxeysay dowlada dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.Bishii Sebtember 2018, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee dalka ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan dhammaan wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka khilaaf salka ku haya awoodda iyo wadaagga kheyraadka.

Madaxweyne Farmaajo oo taa ka jawaabaya ayaa xididdada u siibay qaar ka mid ah madaxdii maaamulladaas, isaga oo ka shaqeeyey imaanshaha madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed taasoo qeyb ka ah ololaha lagu doonayo in dowlad goboleedyada lagu hoos keeno maamulkiisa.

Dowladda federaalka ayaa awoodi weyday inay saameyn isku mid ah ku yeelato doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland, oo madaxdooda tan iyo markaas ay ka shaqeynayeen in Farmaajo aan dib loo dooran. Iyaga oo u arka in jiritaankooda siyaasadeed uu ku xidhan yahay taas.

Heshiiskii 17-kii September

Qorshayaashii guud ayaa fashilmay kadib markii Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) ay u sheegeen baarlamaanka bishii Juun 2020 inay u baahan yihiin ilaa 13 bilood si ay isugu diyaariyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Jubbaland, Puntland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa diiday inay qayb ka noqdaan dib u dhaca ku yimid doorashada. Xilka qaadistii muranka badnayd ee lagu sameeyay Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre bishii Luulyo 2020 ayaa sii yareysay kalsoonidii ay ku qabeen howlaha doorashada.

Hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay kaqeyb galaan shir madaxeed ku aaddan doorashada oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha dalka, kaas oo horseeday heshiis horudhac ah oo ku saabsan doorashada. Hoggaamiyeyaashan ayaa dalbaday in la kala diro guddiga doorashada kaddib kolkii ay ku eedeeyeen eex.

Doorashaddii 2016-kii ergooyiin ayaa u codeeyay xildhibaannada

Si kastaba ha noqotee, toddobaadyo ka dib cadaadis caalami ah, heshiis ku saabsan qaababka doorashooyinka ayaa la saxiixay 17 Sebtember 2020.

Sida ku cad heshiiska, doorashada waxay ku salaysnaan doontaa isku duubnaanta deegaanka, iyadoo ergo dooranaysaa ay ka codeynayaan degmo kasta, oo ka dhigan labo degmo oo ka tirsan dowlad-goboleed kasta in ay xaq u yeelanayaan.

Guddiyada doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol ayaa loo dhisi lahaa inay kormeeraan doorashooyinka.

Dhaqan galinta heshiiskan ayaa noqotay mid aad u adag maadaama Madoobe iyo Deni ay diideen guddiga codbixinta ee ay dhistay dowlada federaalka. Waxay sidoo kale dalbadeen in xilalka laga qaado taliyeyaasha amniga lana kala diro baarlamaanka.

Baarlamaanka federaalku markii ay arkeen dib u dhaca doorashada waxay meel mariyeen qaraar bishii Noofambar 2020 taasoo u oggolaanaysa dhammaan hay’adaha dowladda inay sii joogaan xukunka illaa laga dooranayo kuwa beddeli doona.

Siyaasadda ku dhisan awood qeybsiga beelaha iyo colaadda

Kala qeybsanaanta doorashada ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaartay in aqoonsiga qabiilka uu ka saro maro aqoonsigii qarannimo.

Markii kalsooni darradu ay sii korortay, siyaasiyiinta qaar iyo saraakiisha sarsare ee amnigu waxay dib ugu gurteen meelihii ay beelahoodu ku xoogganaayeen, waxaana xilligaas difaacayey maleeshiyo beeleedyo, qaarkood dawladda ka soo horjeedaan iyo hoggaamiye kooxeedyo hore.

Tiro kamid ah hogaamiyaasha mucaaradka ayaa bilaabay inay isku diyaariyaan iska hor imaadyo hubeysan, iyadoo qaar kamid ah la sheegay inay iibsadeen hub iyo gawaadhida dagaalka.

15-kii Maarso, iska hor imaad ayaa ka dhex qarxay booliska iyo kooxihii hubaysnaa ee taageerayay mucaaradka kuwaas oo ka soo horjeeday dib u dhaca doorashada.

Waddooyinka Muqdisho oo xirnaa kadib qalalaasihii bishii Febraayo ka dhacay halkaas
Qoraalka sawirka,Waddooyinka Muqdisho oo xirnaa kadib qalalaasihii bishii Febraayo ka dhacay halkaas

13-kii Abriil, taliyihii hore ee booliiska Muqdisho, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa ka soo horjeestay dowladda isaga oo isku dayay inuu hor istaago fadhigii baarlamaanka ee loo qorsheeyay in looga hadlo khilaafka doorashada. Muddo yar kaddib se waa la ceyriyay oo laga xayuubiyey darajooyinkii oo dhan..

Maalmo ka dib, taliyihii hore ee booliska, oo ay ilaalinayeen askar gadoodsan iyo maleeshiyo beeshiisa ah, wuxuu xero ka dhigtay Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Xiisad ayaa hadhaysay caasimada iyadoo dowladdu ay ciidamo aad u hubeysan oo amniga suga geysay meelaha u dhow.

Xaaladda ayaa se markii dambe la dejiyay, laakiin kacdoonka cusub ee ka dhanka ah Farmaajo waxay ku hanjabayeen inay hurin karaan dagaal beeleedyo si sahal ah ugu xuub siiban kara dagaal sokeeye

Jahwareerka amniga iyo midda siyaasadeed

Markii ugu horreysay tan iyo markii kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, Kooxda ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waawayn, laakiin wali waxay ku awood badan yihiin gobolada dhexe iyo koonfurta inkasta oo ay howgallo wadaan ciidamada qaranka iyagoo caawimaad ka heleya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Afrika.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhowr jeer weeraro ka fulisay magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa inay ka faa’iideysato qalalaasaha hadda jira si ay howlahooda usii kordhiyaan.

Xigasho:BBCSomali