Bililiqadda Ku socota xilalka qaranka, badraanimadda Ku dhisan aarsiga Qormadii Seeraar Cadde


BILILIQADDA KU SOCOTA XILALKA QARANKA, BADRAANIMADDA KU DHISAN AARSIGA IYO XULASHADA XILALKA LOO XULANAYO HADBA QOFKA KU QABIILKA AH WASIIRADA MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA KHADIIJA MAXAMED DIIRIYE, WASIIRAD AAN WELIGEED DHICIN CIIDAN IYO CALAFBANA AAN QARANKA KUSOO KORDHIN KARIN, TAASI MA CADAALAD BADAA? MISE WAA ABAAL MARINTA BEELAHA YAR YAR EE CUQDADA QABA SI LOO MUUJIYO KALA SAREYN!

Asc wr mudanayaal iyo marwooyin aqristayaasheyda sharafta leh maanta waxaan idiin soo gudbinayaa dhaqamada foosha xun ee ay ku dhaqmaan wasiiradda xukuumadihii kala dambeeyey oo ay ugu horeyso wasiiradda Maareynta musiibooyinka Khadiijo M Diiriye, waxaan idinla wadaagayaa sida ay u maamusho wasaaradda ay hadda madaxda ka tahay iyo kuwii hore oo ay soo maamushay intaba!

Wasiirad Khadiijo M Diiriye marka dib loogu laabto habka wax qeybsiga ee Soomaalidu wax ku qeysato 4.5 waxey ka miisaan weyn tahay qabiilada waa weyn, waxaana xaqiiq ah in xilalka loo magacaabo qabiiladda yar yar ay ka badan yihiin wixii ay mudnaayeen marka loo fiiriyo miisaanka tayo ee ay leeyihiin mar haddii wax lagu cabirayo tiradda dadka, deegaanka, difaaca, tayada hantida ku dhisan maal gashiga dalka, Iwm.

Waxaa xaqiiq ah in 4 tii sano ee ugu dambeysey sida uu xilalka qaranku ku magacaabaayey kaligi taliye Farmaajo iney aheyd kor u qaadida qabiiladda yar yar ee ciilka qaba si loogu dhibaateeyo qabiiladda waa weyn, loogana helo qabiiladda yar yar dad kaligi taliyaha kala qeyb qaata beegsiga iyo gumaadka loo geysanyo dadka miisaanka ku dhex leh bulshadda qeybaheeda kala duwan kana soo jeeda qabiilada waa weyn ee Soomaaliyeed.

Dhaqankaan foosha xuna wuxuu kaligi taliye Farmaajo kasoo min guuriyey adeerkiis kaligi taliye M Siyaad Barre iyo saaxiibadiis Asias Afwerki iyo Abiya Axmed ujeedooyinka ay xilalka aysan qaadi karin ugu dhiibayaan qabiilada laga tirada badan yahayna waa in dhinac walba loogu cuuryaamiyo qabiilada waa weyn wuxuuna kaligi taliye Farmaajo og yahay ineysan wax dhibaato ah ku keeni karin sida uu rabana ay u sameynayaan qabiilada laga tirada badan yahay.

Khadiijo M Diiriye waa qof badraan ah aqlaaq xun ku dhaqanka diinta iyo dhaqanka suuban ee umadda Soomaaliyeedna meel isaga tuurtay, gabadhaani waxey hadba baalka ka gashaa una heestaa iyadoo aan hilmaansaneyn wixii uu kacaankii 21kii Oktoobar ku soo bar baariyey oo ahaa is muuji si laguu aamino.

Wax walba oo aad madaxda dalka hogaamisa uga baahan tahana aad u hesho isu dulee oo u samee wax walba oo uu ka xishoodo qof samac iyo basarba leh allena uusan duleyn balse isagu is duleeyey, sidaas darteed ayey Khadiijo M Diiriye ay xishoodkii gabarnimo iyo tii qaranka ay u heysaba ugu sameysay meel ka dhac si mug iyo miisaanba leh ugu muuqda shacabka Soomaaliyeed.

1- haddii xilalka qaranka lagu bixiyo aqlaaq xumo wey muuqataa in taasi ay jirto dalkeenana ay aad ugu badan tahay 2- haddii xilalka qaranka lagu bixiyo in dembi diinta, dalka iyo dadka laga galo abaal marin darteedna in loogu bixiyana wey cadahay 3- haddii xilalka qaranka loogu magacaabayo oo ay tahay u dhiibo qofka hantida dalka kula dhacaya dadkana kula dilaya isla markaana aan ka xishooneyn wax walba iyaduna wey cadahay maanta.

4- haddii xilalka qaranka lagu bixinayo loona hibeynayo dadka qabiilada ugu aqlaaqda xun, ugu aqoonta xun diin iyo maadiba uguna amaanada liita iyaduna waa xaqiiq oo wey na hor taalaa waqtigaan 5- haddii ku dhaqanka sharcigii dalka meel leysaga tuuray lagana dhigtay (LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN) iyaduna waa marqaati ma doonto.

Hogo tusaaleynta qubarada ku taqasusay cilmiga sharciga iyo maamul wanaagga, fahamka saliimka ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed oo ay muuqato ku qanacsanaan la,aanta dhaqamada foosha xun ee madaxda leh dhaqamada qaran dumiska ku dhisan sida Khadiijo M Diiriye iyo wasiiro kale oo aan ka hadli doono insha allah.

Sida ku cad waraaqaha kor ku xusan oo aad ku arki kartaan bandhigeyga oo ay xilalka ugu magacowday Khadiijo M Diiriye dad ay qaraabo yihiin wasaaradiina ay ka dhigatay mid ay leeyihiin iyada iyo qabiilkeedu, marka aad dhinac walba ka fiiriso dhaqamadii foosha xumaa ee ay wasiiraddu la hor taagneyd aqalka baarlamaanka, golaha wasiiradda, iyo xaafiisyadii ay soo maamuleysey ee wasaaradaha kala duwan ahaa.

Marka aad milicsato u nacamleynta madaxda qaranka iyo ku tumashada shuruucda dalka ee ay Khadiijo M Diiriye caadeysatey cid kula xisaabtan tana la waayey qaladkeedana loogu bedeley abaal marin lacageed iyo xilal joogto ah oo aan dhicin, marka aad dib u raacdo inaan xil iyo xoolaba loo diidi karin qof ay wadato Khadiijo M Diiriye iyo kuwa ku qabiilka ah ee .5 ka waxaa kuu soo baxeysa Soomaali weyna ay isaga marqaati kacday in ay muhiim tahay in maanta dalka laga bad baadiyo wax magarata sida qaladka ah oo aan xilkasnimadda ku dhisneyn loogu dhiibey xilalka qaranka isla markaana si dhaba loogu xisaabtamo waxa uu dalkeenu maanta ku sugan yahay.

Qof walbana uu masuuliyadda ku helo waxa uu mudan yahay ee aan xil qaran loo dhiibi karin, qof isaguba qaranka culeys ku ah sharciguna uu xirayo welibana ay tahay in lagu abaal mariyo xabsi iyo ganaax lacageed intaba.

Baraarujin! qormaeeydu maahan beegsi shaqsi, maahan mid qabiil waa qormo ka turjumeysa isla markaana xambaarsan aragtida shacabka Soomaaliyeed, qormadeydana waxey ku dhisan tahay inaan iftiimiyo wax walba oo dib u dhac iyo cadaalad daro u keeni kara heykalka dowladnimadeena isla markaana ay aasaas u noqoto mustaqbal wanaagsan oo ku yimaada cadaalad iyo sinaan loo siman yahay dowladnimadda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Asc wr by Seeraar Axmed

https://www.facebook.com/100002410458535/posts/4026803257409983/?d=n