Shirka Wadatashiga qaran oo galay maalintii labaad iyo Shirar gooni gooni ah oo qabsoomay.

Inta badan madaxweynayaasha dowladd goboledyada oo ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulamo kala duwan saacado badana qaatay la yeshay  hogaamiyasha mucaaradka xilli maalintii la baad uu maanta galay shirka looga hadlayo doorashada Soomaliya.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa xalay la kulmay Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee dalka sheikh Sharif sheikh Ahmed, iyo mùsharixinta kala ah Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur warsame iyo Mustafa dhuxulow iyo xubno katirsan labada golle ee baarlamaanka soomaliya.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay  xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii Midowga Musharaxiinta ay u taageeri lahaayeen shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee shalay Muqdisho ka furmay maanta galay maalintiisii labaad.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Ahmed madoobe iyo Saciid Deni waxay kulan la laqateen Siyaasiyiinta gobolada Waqooyiga oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed,

kulankan ayaa looga hadlayaa xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland oo kamid aheed qodobadii hore u fashiliyey shirarkii hore ee looga hadlayey doorashada iyo sidii labada dhinac ugu heshiin lahaayeen Guddiga doorashada.

Is fahamkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo ayaa la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Warar ayaa sheeagaya in madaxweynaayshaan ay ku qanciyeen Mahdi guleed iyo guddoomiyaha  Aqalka  sare in ay arinta guddiyada doorashada xal ka garan ayna xubnahaas soo kala magacabaan.

Dhinaca kale madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa kulan la qaatay sheikh Sharif sheikh Ahmed madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha midowga musharixinta waxaana ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka.

Dhanka  kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in teendhada afisyooni ee xeendaabka xerada xalane uu dib igu furmo shirkii wadatashiga qaran.