Kooxda Athletico Madrid oo Sanado kadib ku Guuleysatay Horyeelka Spain.

Kooxda K/cagta Athletico Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee Laliga, kaddib markii ay 2-1 uga badisay kooxda Real Volladolid, waana markii 11-aad oo ay ku guuleysato horyaalka dalkaas.

Diego Simeone was thrown high into the air by his players as he toasted his second LaLiga title as manager of Atletico

Weeraryahankooda reer Uruguay Luis Suarez ayaa goolka guusha u dhaliyay daqiiqaddii 67-aad ee ciyaarta, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta ay Volladolid ka nixisay Athletico Madrid, kaddib markii daqiiqdii 18-aad uu ciyaaryahnkooda Oscar Plano u dhaliyay gool, hase yeeshee waxaa ciyaarta bar-bar dhac ka dhigay Angel Correa daqiiqdii 57-aad.

Kooxda Real Madrid oo koobka kula loollameysay Athletico Madrid ayaa iyana 2-1 dirqi ah uga soo badisay kooxda Villareal, Athletico Madrid ayaa 38 kulan ee horyaalka la timid 86-dhibcood.

Atletico Madrid fans turned out in their numbers outside of the Jose Zorrilla Stadium to give Simeone's side an added boost

“Waxay ahayd xaalad adag. Xaaladdii aan ku noolaa iyo sidii hoos la iigu dhigay, laakiin Atletico ayaa albaabka ii furtay.” Ayuu yidhi Luis Suarez oo kaddib guushii horyaalka ee xalay hadlayay.

“Dad badan ayaa ila dhibaatooday – xaaskayga, carruurtayda. Maalin ba maalinta xigta, iyaga ayay ahaayeen kuwa dhibaatada ugu badan kasoo gaadhay sannadahaygii aan kubadda cagta ku jiray.” Ayuu raaciyey.

Intaas kaddib waxa uu Luis Suarez ka hadlay guushii ay gaadheen, waxaanu yidhi: “Waxa uu ahaa sannad wanaagsan. Inkasta oo ay dhibaatooyin jireen, waxa aanu ahayn kooxda natiijooyinkoodu joogtada yihiin {marka loo eego kooxaha kale}, waxaananu nahay horyaalka.”

Luis Suarez waxa kale oo uu sheegay in guushiisu ay farxad u noqon doonto Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Lionel Messi wuu farxi doonaa sababtoo ah waxa aanu nahay saaxiibbo.”