Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Xabad joojinta looga dhawaaqay Gaza.

Warsaxafadeed kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhaweysay xabad joojinta looga dhawaaqay Gaza.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa lagu yiri.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa heshiiska xabad joojinta Gaza ee la gaaray, kaasi oo dhaqangalay aroornimadii Jimcada 21 May, waxa ay markale ku dhawaaqaysaa mowqifkeeda iyo taageerada sugan ee ay u heyso qadiyadda Falastiin, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo dhismaha dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay oo qarannimadeedu dhammaystirantahay iyadoo la raacayo go’aannada sharci ee caalamiga iyo Hindisaha Nabadda ee Carabta”