Sacuudiga oo soo saaratay amarro ku aadan Xajka Sanadkaan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan.

Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da.