Google ayaan weeydiiyay? Su’aalaheygii & Jawaabihii Google.

S1.Somaliya goormee Cadaaladu ka dhalanee?
J1.Cadaalad haka hadlin, Sayid Cumar waa dhintay.
S2. Goormeey Heshiinayaan Somalidu?
J2. Markeey Runta isku sheegaan.
S3.Goormeey midoobayaan?
J3. Markeey ogaadaan in eynan walaal kale leheyn.
S4.Goormeey Laaluush dhaafayaan ?
J4.Markii Lacag la waayo.
S5.Goormeey Culumada Somalidu Midoobayaan?
J5. Markii Hayatul khayriya iyo Timir la waayo.
S6. Goormeen Shaqa heleynaa?
J6. Markii Sharciga iyo Shahaadada la sharfo.
S7. Siyaasiyiintu goormeey hashiinayaan?
J7. Markeey ogaadaan in Sharcigu ka sareeyo, Shacbkuna la xisaabtamayo.
S8. Goormee Maxkamaduhu Gar cadaalad ah gaarayaan?
J8. Markii Qaaligu Aakhiro ka cabsado.
S9.Goormeey Ganacsatadu Guuleeysanee?
J9. Markeey ogaadaan in Gaacsigoodu Jeebka Shacabka ku xiran yahay.
S10. Goormeey Qabyaaladda dhaafaayaan?
J10. ilaa shalay Google, waa wirifeynayaa, searching ayuu soo qoray.
Ma Net work ayaa iga maqan? Ma khadkaa iga go’an? Ma Google ayaa Jawaab u waayay?
Adigu ma iiga Jawaabi kartaa?
Qore: Yahya Amir