Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho.

Muqdisho:-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdi samad Cali Shire ayaa maanta oo khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, ayaa shalayto la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Wuxuuna sidoo kale ahaa Janaraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.