howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsanSh/Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah Ururka  Al-Shabaab ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururada 83-aad 84-aad ee guutada 14-ka oktoobar waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhamme Nuuradiin Macalin Xuseen oo howlgalka hogaaminayay ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen tuulada busleey oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamadabay howlgalka ku dileen 6 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa Tuulada Busleey ee degaanka Janaale.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degaannada ku xeeran Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Sarkaalkaasi howlgalka Hogaaminaya.

Dhanka kale Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada ugu badan oo Ciidamada dowladda ay holwgallada ka fuliyaan, hayeeshee waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab.