Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee uu ku furmi lahaa shirka wadatashiga qaranka oo ka socda Muqdisho.

Shirka wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka  iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax  isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Galmudug Lafta-gareen iyo Qoor-qoor,ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho,halka, la filayo in madaxweynayaasha kale ay soo gaaraan Caasimadda Dalka.