Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Lamu.

Saraakiil Kenyan ah ayaa lagu soo waramayaa in qarax miino oo dhulka la galiyay lagula eegtay Magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Ugu yaraan 3sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay qaraxa ku geeriyoodeen 8 kalana ay dhaawac ka soo gaartay qaraxaasi oo la tilmaamay in Al shabab ku aaseen wadada gaariga uu ku socdaalayay.

Sarkaal laamaha amaanka Kenya u hadlay ayaa sheegay in dhaawacyada askarta la geeyay Magaalada Nairobi Isbitaal ku yaala.

Weerarkaan ka dhacay Lamu ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Kenya maalinta Khamiista uu qorsheenayo in xariga ka jaro Garoonka Magaaladasi.