Midowga Musharraxiinta oo Dalbaday in laga Qeyb geliyo Wadaxaajoodyada Doorashada.

Muqdisho:-Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa dalbaday in laga qeybgeliyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka la filayo in uu berri uga furmo Muqdisho kaas oo xal loogu raadinayo is-mariwaaga doorashooyinka.

Daahir ayaa caddeeyay in ay taageerayaan kaalinta hoggaamineed ee Ra’iisul Wasaare Rooble kula wareegay maamulka wadaxaajoodyada ku aaddan arrimaha doorashooyinka.

Waxaa uu rajo ka muujiyay natiijada shirka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, oo uu sheegay in uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep ee ay labada dhinac horay u wada saxiixdeen.

Shirkan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Go’aanka madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Buntilaan, Jubbalaan, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka.

Bishii April horraanteedii waxaa natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Afisyooni ee wadahadallada doorashooyinka, waxaana fashilka shirkan ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay madaxda Jubbalan iyo Buntilaan.