Dagaal ka socda Magaalada Jowhar iyo Taliyihii kooxdaMacawislayda oo la xiray.

Dagaal xoogan ayaa goordhow ka bilowday gudaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa la magac baxay macawiisleyda.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa u sheegay in kooxda macawisleyda ay doonayaan inay xoog ku sii daayaan rag ka tirsan kooxdaas oo u xiran maamulka Hirshabelle.