Wax ka baro Shanta madaxweyne ee soo qabtay xukunka Somalilanad.

Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) – June 7, 1991 – May 16, 1993.

Madaxweyne Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) waa madaxweynihii uggu horeeyey ee Somaliland.

Waxaa lagu doortey shirweynihii uggu horeeyey ee ay yeeshaan beelaha, iyagoo markaa ku dhawaaqey gooni isu taag sanadkii 1991-dii.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal – May 16, 1993 – May 3, 2002.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waa madaxweynihii labaad ee Somaliland. Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) Wuxuu kaloo noqday. Sidoo kale, wuxuu ahaa ra’iisal wasaarihii uggu horeeyey ee Soomaaliya 1960-kii.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin

Daahir Riyaale Kaahin – 3 May, 2002 – 27 July, 2010.

Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ku geeriyooday dalka Koonfur Africa sanadkii 2002-dii.

Saacado kadib geerida Cigaal, ayaa loo dhaariyey xafiiska Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Cabdulraxmaan Siilaanyo – 27 July 2010 – 13 December 2017

Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo, waa madaxweynihii afraad ee Somaliland. Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Muuse Biixi Cabdi,waa madaxweynaha shanaad ee Somaliland, waana madaxweynaha xiligan la joogo haya talada Somaliland.

Wuxuu xukunka kala wareegay 2017-dii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).