Shiikh Shariif oo ka hadlay shirka loo ballansanyahay 20-bishan May.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliye, Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha midowga murashaxiinta ayaa shirka 20-ka bishaan May loo ballansanyahay ku tilmaamay mid muhiim ah oo dalka u jiheyn kara doorasho nabdoon.

Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa rajo ka muujiyay shirka doorashada in uu noqdo mid guuleysta oo miro dhal, isla markaasna fure u noqon kara khilaafka doorashada.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sidoo kale kalsooni ka muujiyay dadaallada uu wado Ra’iisul wasaare Rooble ee xal u helida muranka doorashada.

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.