Farmaajo “Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin inaan doonayo sii haysashada xukunka, balse…”

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Foreign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada.

Mucaaradka Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Juballand ayaa ku eedeeyay in afartii sano ee uu xilka hayay uusan waxba ka qaban sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho “qof iyo cod ah”, isla markaana uu ku marmarsiiyoonayo arrinkaas.

Waxa uu ku dooday in tan iyo markii uu xukunka la wareegay February 2017 ay ka go’neyd in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho “qof iyo cod ah” si shacabka ay u helaan awood ay ku doortaan cidda ay doonaan.

“Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin in aan doonayo sii haysashada xukunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khilaaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku sheegay maqaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khilaafkaas uu salka ku hayo rabitaanka dowladdiisa ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho ay shacabka codkooda ka dhiibtaan iyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay rabaan doorasho dadban oo awoodda siisa dad kooban.

“Waxaa la joogaa xilligii ay Beesha Caalamka weydiin lahayd: Maxay tahay sababta ay odayaal beeleed kooban iyo madaxda maamul goboleedyada la haystayaal uga dhigtaan shacabka Soomaaliya afartii sanoba mar? Maxay tahay sababta ay dad kooban u aamusinayaan shacabka malaayiinta ah ee ay sheegaan inay metalaan?”

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga oo ka xun uu aqbalay heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020, balse uu ka socon waayay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa marar badan beeniyay eedeyntaas, waxaana ay sheegeen in dhanka Farmaajo uu ka fashilmay heshiiska, oo uu ka soo “carooday”.

Dhuusamareeb

Shir ay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka Dhuusamareeb isugu tageen maalmo uun ka hor inta aan la gaarin 8-dii February oo uu ku ekaa muddo xilleedka Madaxweyne Farmaajo ayaa fashilmay, waxaana dhinacyada uu midba kan kale ku eedeeyay natiijo la’aanta shirka.

Arrinta gobolka Gedo oo ahayd arrinta ugu adag ee caqabadda ku noqotay shirka in heshiis laga gaaro ayaa aakhirkii keentay in lagu kala tago.

Khilaafka gobolkaasi ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa soo jiitamayay tan iyo doorashadii lagu murmay ee Jubbaland, taa oo dowladda Soomaaliya ay diidday in ay aqoonsato natiijadii ka soo baxday oo ahayd in madaxweynaha haatan xilka haya ee Axmed Madoobe uu ku guuleytay doorashadaasi.

Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa labaduba aragtiyo kala duwan ka qabay qodobkaasi ku saabsan arrinta Gedo. Dowladda federaalka waxay ku adkeysanaysaa in tanaasul badan ay ka sameysay arrintaasi balse dhanka Jubbaland aan laga hayn wax tanaasul ah.

Baarlamaanka

“Lama sii wadi karo doorashada dadban”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in hannaanka doorashada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan la sii wadi karin.

“In heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya ayaa ka dhigan in laga qanciyo dhammaan saamileyda, xilli kasta iyo arrin kastaba. Doorashooyinka dadban ma aha kuwo u wanaagsan [Soomaaliya] ama la joogteyn karo,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa Farmaajo ku dhaliilay in uu doonayay muddo kororsi. Markii uu Golaha Shacabka 12-kii April ansixiyay xeerkii jiheynta doorashada, waxaa ka dhashay rabshado hareeyay Muqdisho.

Farmaajo ayaa rajo ka muujiyay shirka lagu wado in 20-ka bishan looga arrinsado doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hannaanka doorashada.

Xigasho:BBCSomali