Faah faahin ku saabsan Al-Shabaab oo Wado u galay Ciidamada DOwladda Federalka.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba-gal ah oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada Hoose.

?????????????????????????????????????????????????????????

Dadka deggan deegaanka Warmaxan ayaa sheegay in ay maqleen hubka labada dhinac ay is weedaarsadeen, iyadoo la soo werinayo in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa baraha ay wax ku qoraan ku baahiyay in weerarkaasi ay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, halka ay 2 ba kalena dhaawacmeen.

Dhanka kale sheegashada Al-Shabaab marka laga soo tago, saraakiisha ciidamada xoogga ayaan weli ka hadlin weerarkaasi.