Ciidamada Amniga ee Degmada Yaaqshiid oo xalay qabtay Kooxo Burcad ah oo Dadka dhaca.

Ciidamada Amniga iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid oo is kaashanaya ayaa xalay gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo maalmihii la soo dhaafay dhac u geysanayay shacabka ku nool Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ragga gacanta lagu soo dhigay ayaa tiradooda gaaraya ku dhawaad 9 qof, kuwaasi dhibaatooyin badan xiligii habeenka ah ku hayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan kooxaha burcadda ee dhaca u geysanaya dadka shacabka ah.

“Shirkii Amniga ee aan yeelanay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu lafo guray waxaa ka mid ahaa sidii aan burcaddaan gacanta ugu soo dhigi laheyn waxaana ilaaheey mahaddiis ah in iyada oo is kaashanayaan maamulka iyo shacabka Degmada xalay gacanta lagu soo dhigo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.