Haweyneydii ugu horeysay oo R/wasaare ka noqotay wadanka Samoe.

Dalka Samowa oo ah Jasiirad yar oo ku taala badweynta Baasifigga ayaa markii ugu horeysay haweeney ay r/wasaare ka noqonaysaa kadib amar kasoo baxay maxkamada sare ee dalkaas.

Fiyaame Nayoomi Mataafa ayaa hadda maanta loo caleema saarayaa inay r/wasaare ka noqoto dalkaan yar ee Samowa.

Maxkamada ayaa dhawaan diiday natiijada doorasho dhawaan dalkaasi ka dhacday waxaana ay sheegtay inay ogaatay in Fiyaame ay tahay shaqsiga guulaystay.

Haweenaydaan ayaa xilkaan kala wareegaysa Tuwileepa Saylale oo dalkaas xukumayay 20 sanno ee lasoo dhaafay.