Ganacsatada Jaadka oo Kenya u soo jeediyay in ay la heshiiso Soomaaliya.

Ganacsatada beeraleyda ah Jaadka ee Kenya ayaa ka doonaya dowladdooda iney si buuxda usoo celiso xiriirkii siyaasadeed ee ay la laheyd dowladda soomaaliya.

A Somali trader takes khat, a mild narcotic drug meant for exports to Somalia, out of bags, 21 June 2003 at the small Wilson airport in Nairobi. Kenya has imposed a ban on all flights from the country into war-wracked neighboring Somalia, sources at Nairobi Airport’s control tower said 21 June. Kenya has in the past accused Somalia, which has not had a recognised government since dictator Mohamed Siad Barre was overthrown in January 1991, of being responsible for the infiltration of arms into the country. AFP PHOTO/SIMON MAINA

Guddoomiyaha ururka ganacstada Jaadka ee Nyambene, Kimahi Munjuri ayaa sheegay in go’aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya isaga kala gooshi jirey ay tahay ra’yi qaldan, sida uu qorey wargeyska Daily Nation.

Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta u diri jiray Soomaaliya qaad fara badan iyagoo ka heli jiray dhakhli aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqdey iney soo celisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Kenya, balse uusan qeyb ka aheyn in la qaado xayiraadda saaran Jaadka.

Kenya ayaa toddobaadkii hore joojisay duuliimaadyadii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.