Dowladda Zambia oo Ciidamo Ku soo Biirineysa Howgalka Ciidamada AMISOM.

LUSAKA:-Dowladda Zambia ayaa sheegtay in ay 100 askari oo saaraakiil boolis ah ku soo biirinayso Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timi kaddib markii danjiraha Zambia ee Itoobiya Emmanuel Mwamba uu warqad is afgarad ah la saxiixday Midowga Afrika isaga oo ka wakiil ah dalkiisa.

Masuulka ayaa sheegay in askarta dalkiisa ee qeybta ka ah howlgallada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay yihiin askar ku suntan yihiin anshax wanaag.

Danjire Mwamba ayaa sheegay in Zambia ay tan iyo 2012-kii dhowr meelood u dirtay ciidamo iyada oo aan saxiixin wax is afgarad ah balse haatan askartan cusub ay ku tagi doonaan isfaham dhex maray dalkiisa iyo Midowga Afrika.

Waxa uu sheegay in Zambia ay dalal badan ku gacansiisay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadda iyo xasilloonida.