Gantaalladii ugu badnaa abid oo Israa’iil ku dhacay.

Waxaa markii ugu horreysay Israa’iil ku dhacay gantaalladii ugu badnaa abid ee lagaga soo rido dhinaca Marinka Qaza, sida ay sheegeen militeriga Israa’iil.

Janaraal Ori Gordin ayaa warbaahinta u sheegay in iyo tan Isniintii ay 3,000 gantaal ay Xamaas kusoo rideen Israa’iil.

Wuxuu intaas ku daray in gantaallada ay ridayaan Xamaas ay yihiin kuwa dheeraya marka loo barbardhigo gantaallo horey looga soo riday dhinaca Israa’iil iyo dagaalkii 2006-dii ee Xisbullaah.