Farmaajo ceeb & waji gabax kale -:

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa Liiska madaxda Caleema saarkiisa kasoo qayb galaysa ka reebay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay inuu Tago lagu heshiiyay

Xalay ayaa Ismaaciil cumar gelle waxaa kulan la qaatay ganacsato soomaliyeed iyo rag siyaasiyiin ah waxayna ka codsadeen in Farmaajo kasoo qayb galo Caleema saarkiisa, muddo badaa kadibna ismaaciil waa yeelay waxaana Farmaajo loo sheegay inuu imaan karo caleema saarka madaxweynaha jabuuti

Farmaajo iyo Kooxdiisa villa Soomaliya ayaa muddooyinkii danbe eedayn iyo aflagaadooyin baaxad leh usoo jeedinayay Dowladda iyo shacabka Reer Jabuuti halka ay cadowna uga dhigeen umadda soomaaliyeed, dhanka kalana waxay walaal dhow ka dhigteen Ethopia iyo Qadar.

Diidmada Caawa dowladda jabuuti diiday inuu Farmaajo kasoo qayb galo caleema saarka madaxweyne ismaciil cumar gelle ayaa markale waji gabax ku ah Farmaajo waxaana laba maalmood kahor ceen taas lamid ah kaga dhacday dalka yugaandha oo garoonka loogu soodiray agaasime katirsam xafiiska Museveni.

Safarkiisii yugaandha farmaajo ayaan xafladdii caleema saarka museveni wax hadal ah laga siin, dowladda yugaandha ayaana aheegtay in sabanta Hadalka loogu diiday farmaajo ay tahay asagoo aan sharciyad ku joogin xafiiska aysana rabin inay shacabka soomaliyeed danbi kagalaan kuna aqoonsadaan Nin aam sharciyad haysan.

Sidoo kale Farmaajo oo codsaday inuu Kulan la qaato Jaaliyadda Soomaalida ee dalka yugaandha ayaa loo diiday kulankaas , waxaa dowladda yugaandha toos ugu sheegtay inaysan macquul ahayn inuu Jaaliyadda dalkan joogto kula hadlo afka ah madaxweynenimo..

Farmaajo ayaa Caleema saarkii Madaxweynaga Yugaandha Codsanayay muddo todobaad ah balse aakhirkii ayaa laga ogolaaday, si lamid ah saas oo kale ayuu Muddo saddex maalmood ah codsanayay Caleema saarka madaxweynaha Jabuuti caawa ayaase si toos goaan looga saaray taas oo ah inuusan Kasoo qayb gali karin caleema saarka Ismaaciil Cumar Gelle.