Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay magaalada Kismaaayo.

Kulanka oo ka dhacay xaruunta madaxtooyadda ayaa waxaa looga hadlay sidii labada dhinac la iskaga kaashan lahaayeen la dagaallanka Al-Shabaab oo gacanta ugu jiraaan deegaano badan oo ka tirsan maamulkaasi.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Mareykanka uu u taageeri lahaa howlgallada socda, isla markaasna uu door muuqdo uga qaadan lahaa.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka caawiya arrimaha militeriga, isagoo tababar iyo taageero siiya ciidamada Soomaalida.

Bishii January ayay aheyd markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donal Trump oo tiradii ugu badneyd oo ciidamiisa ka saaray Soomaaliya, isagoo dajiyay dalalka deriska.