Haddii aan kuu sheego Sababta Qaadka Kenya loo joojiyay, Maxaad i siinee?=Nasashada Jimcaha.Q-252=

1. Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa tagay, “Museum- ka” Taariikhda lagu keydiyo ee Magaalada London.waxa uuna Baakoortiisa Lugta uga jabiyay, Muuqaal Taalo ah oo laga sameeyay Boqorkii Ingriiska 500 Sanno ka hor.
Waxaa ku soo orday Madaxdii Museumka oo qaarkood ey ooynayaan.waxaa lagu yiri: Ma ogtahay in aad Jabisay Taaladii Boqorka oo 500 Sanno ka hor la sameeyay.
waxa uu yiri: Ba’aa, wanba naxsanaa, waa Alla mahadii, waxaan u maleeynayay in aan jabiyay wax Cusub, illeyn Duugbeey aheyd. ( F.S: 1aad).
( Maryooleey, Geel maxaas kuul ka kasaa, Aaween Qalab Taariikheedkii yiil, Musuemkii Sayid Barqash, Musuemkii kale ee Qaranka, Goobihii Taariikhiga ahaa ee Magaalada iyo Gobalada ).
2.. Annie oo 5 sanno jir ah ayaa tiri: Awoowe haddii aan kuu sheego marka aad shaqada ku maqanahay Ayeeyo qofka ey Sariirta la seexato 1 Dollar ma i siinee, ballan miyaa.
Awoowe oo indhihii Casaadeen oo ku sigtay in Dhiigu karo ayaa yiri: ii sheeg waa ballan weliba 5 Dollar ayaan kaaga dhigayaa.
waxa ey tiri: Marka aad maqan tahay Waxa ey la seexataa, Aniga.( F.S:2aad)
(Haddii aan kuu sheego Sababta Qaadka keenya loo joojiyay, Maxaad i siinee? Hal “like” ma i siinee?, Ballan miyaa?. . waxaa loo joojiyay, Adiguba waad ogtahay).
3. Waxa markii ugu horeysay ZOO ( Beerta Xayawaanka) laga furay Xaafadda “Daaru Salaam” ee Magaalada Mogadiahu, Joornaalka ayaa lagu soo qoray Jago ka banaan. Arday Dalka Somaliya Gudahiisa wax ku baratay, Gaar ahaan “Veterinay” Cilmiga xoolaha ayaa u shaqo doontay. waxaa lagu yiri: ZOO-ga waxaan keenay Xayawaano badan Laakin waxaan weynay “Daanyeerka Gorilla”. waxaan kuu galinayaa Maqaar Gorille, shabaqa ayaad galee, Xabadka ayaad Gacmaha ku garaacee. Si laguu Daawado oo Gorille laguugu maleeyo, Ardagii waa iska ogolaaday, bacdamaa Lacag fiican loo sheegay, Shaqooyinkii kale ee Dalkana Diaspora qaadatay.
Dhowr Cisho markuu Daanyeer ahaa, ayuu Shabaqii ka soo baxay isaga oo ku dhax wareegaa shabaqii ku xigay ayaa Libaax ku soo orday. Waa naxay, Dadkii Daawashada u yimid ayuu ku qeyliyay, war iga dhacsha Libaaxa, Daanyeer ma ihi, waxaan ahay Dad.
Libaaxii ayaa Dhusha uga fadhiistay, oo si hoose u yiri: War ha nixin Waxaan ahay Saaxiibkaa Cali Xoogaaye oo aad isku fasalka eheydeen, Yaxaaskaa Biyaha ku jirana waa Kaaba Galaaskeenii Axmed dheere. ( F.S: 3 & 4aad)
( Guud ahaan, Ardayda Somalida Shaqo ha loo abuuro, gaar ahaan kuwa Xamar oo Gobaladiina naga Gambista la yiri, Gobalka Banadirna Maamul Gobaleed ey ku gambadaan male, Xildhibaano Gobal oo Xafiisyada geeyana male.
Diyaasboro, ma inta Shaqadii naga qaateen iyada oo qaarkood ey wataan Shahaado been ah, ayaa Caruurtoodiina Annaga oo Xayawaan ah na daawanayaan, Dalka Saas leeyskula joogi maayo, ee Amma Dadaa la wada noqaa ama Dugaag)
4. Ma ogaaneysid in Xaaskaagu ey taqaan ” Kung-Fu iyo Karateeda Japanka” ilaa aad aragto iyada oo “Baranbaro” korkeeda ku socoto, sida ey u ciyaaree iyo sida ey isku Ruxruxee. ( F.S: 5aad).
( Madaxdu iney Boodbood iyo Ballan ka bax taqaan, waxaad ogaane Marka muddo Xileedkoodu dhamaado)
5. Cali oo Qurbaha ka yimid iyo Saaxiibkii oo Fadhiyo Makhaayad ku taal Magaalada Muqdishu, ayaa Qarax weyne qabsaday.
Kii Qorax jooga ahaa ayaa waxa uu araky, Saaxiibkii Cali Qurba joog oo ooynayo. waxa uu ku yiri: Maxaad la ooynee?. Cali Qurba joog ayaa yiri: Fiiri Gacanteeydii Bidix wey go’day. Qorax joogii ayaa yiri: intaas miyaad la ooynee. Fiiri, Kaas Madaxiisu Go’ay, mana ooynayo, war naga aamus Doqonyohoow, Cali Gacamey ka badan miyaad noqonee. Kii Madaxdu go’ayba ma ooynayee.(F.S: 6aad)
( Dhalinyarada Qurbaha ka timid ee tiri waxbaan difaaceynaa ee Daraja Sare, looga bilaabay Ciidanka, Maxey u ooyaan marka ey joogaan Goobaha Dagaalka?).
6. Axmed Mooge ayaa yiri: Aniga, Xaaskeyga iyo Xaaskeyga Hooyadeed ” Sodogteey” oo Booqasho noogu timid oo Fadhino Qolka Fadhiga, ayaa Xaaskeeygu kululaatay oo Damac ka galay in aan Xoogaa Baashaalno, laakin waxa ey ka xishooneysay Hooyadeed toosna iiguma sheegi karin.
Waxay Riixday Madaxeeda iyada oo leh Madaxa ayaa aad ii Xanuunayo, waxooga yar ayaan soo nasanayaa, Qolkii Jiifka ayeeyna aaday. dhowr daqiiqo kadib, ayaan istaagay Aniga oo fahamsan Sababta ey u aaday qolka jiifka. Sodogtii ayaan ku iri: Waxaan soo fiirinayaa Xaaska sida Xaalkeedu noqday waa tii Madaxdu xanuunayee.
Waan u tagay, Xoogaa ayaan la soo baashaalay, weyna iska seexatay, waxaan u soo Noqday Sodogtii. Nassib daro waxaan Hilmaamay in aan xirto Sisinyeerka “Zip ka” Surwaalka oo Galuuskii kore oo kaliya ayaan xirtay. Markii aan u imid Sodogtii ayeey igu tiri: Gabadheeydii sideey Noqotay? waxaan ku iri: Hadda weey ladnaatay weeyna Seexatay waxaan siiyay kaniiniga Madaxa ee “Panadol”.
Sodogtii ayaa igu Tiri: “Panadol”, waa kaniini Madaxa u wanaagsan waadna dadaashay, ee Adiguna Farmashiyaha Xiro.
( Haddii Marti waayeel ama Waalid ahi ey kugu soo booqato Gurigaaga, Carabkaaga iyo Cowradaada ilaali, waa iga Talo)
Qore: Yahya Amir