Ciidamada Kenya oo sheegay inay dileen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Labo Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la dilay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray weerar ay ku qaadeen magaalada Wajir ee dalka Kenya ee u dhow sohdinta dhinaca waqooyi ee Soomaaliya iyo Kenya sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Wadankaasi.

Taliyaha Booliska waqooyi bari Rono Bunei, ayaa sheegay in kooxda  Al shabab isku dayeen inay burburiyaan Taawarada waa weyn ee xiriirka Telfoonada waxaana uu xaqiijiyay in  weerarka ay soo qaadeen lagu dilay laba Dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan.

Deegaanka sida toos ah u weeraren oo lagu magacaabo Tarbaj ayay rasaas isku dhaafsadeen ciidamada Kenya iyo Dagaalamayashi Al-Shabab.

Bunei ayaa sheegay in tirada ay ka badnaankarto ee weerarka uga dileen Al shabab waxaana uu xaqiijiyay in dhowr dagaalame oo dhaawac ay horey usii qaateen.

Al-Shabaab ayaa Qoryaha RBG ga iskugu dayay inay taawarada Safaricom ku burburiyaan inay kastoo ay ku fashilmeen sida ay saraakiisha amaanka warbaahinta u sheegeen.

Laba qori oo AK47 oo ay ka carareen Al shabaab ayaa looso bandhigay warbaahinta Kenya.

Ilo madax banaan ayaa warbaahinta u sheegay in 1 askari oo Kenyaan ah weerarka ku dhintay mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray.