Ciidamada Hirshabeelle oo howlgallo ka wada duleedka Baladweyne.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdonka Qaranka Dagmada B/weeyne ee Gobalka Hiiraan ayaa howlgallo ka wada Deeganno qiyaas ahaan  dhanka galbeed 25-km kaga Beegan Degmadaasi oo ay si dhuumaaleysi ah u tagaan kooxda Al-habaab.

Howlgalkan Waxa Horkacayay Taliyaha NISA Ee Dagmada B/weeyne Ibraahim Maxamed Abuukar,waxa ay ka socdaan deegaanada Hara Cadey. Biitale . Jaaburow  iyo  Ceelka Baar .

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah xasilinta amniga guud ee Gobalka Hiiraan iyo ciribtirka kooxda nabadiid ee Allshabaab oo Bulshada ka qaadaya baad isugu jirta Xoolo Nool iyo lacago ay ku kushegaan sakawaad.

Taliyaha NISA Dagmada B/weeyne Ibraahim Maxamed Abuukar (Madaxey ) ayaa warbahinta Qaranka  u Xaqiijiyay in Allshabab isaga Carareen Deeganadi lagu shegay ayna yihiin kuwo si dhumaleysi ku imanjira Balse hada gacanta ay kuhayaan Ciidanka NISA

Ciidamada NISA iyo kuwo Xooga Dalka Soomaliya  maalmihi dambi  waxa ay isku balarinayeen Koofurta iyo Galbeedka B/weeyne . oo ay dhumaleysi ku imaan Jirien Koxda Allshabaab.