Maamulka Hir-Shabeelle oo Eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Soomaaliya.

Maamulka Hirshabelle ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaaldaha fatahaada Wabiga Shabeelle ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhex, sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay xayirtay lacag loogu talo galay fatahaadaha.

Warsaxaafadeedka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa lagu yiri” Hirshabeelle waxay eedeynaysaa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta oo caqabad ku noqday sii deynta lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha.

“Waxaa wax laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen hadii wasaarada maaliyada sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Hirshabeelle dalbatay”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Sidoo kale Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Hay’adaha ka shaqeeya saadaasha cimilada iyo kormeerida heerka biyaha wabiyada
ay ka digeen in Hirshabelle ay ku soo fool leeyihiin biyo xoogan oo ka soo rogmaday dhulka sare ee Itoobiya taasoo halis weyn ku ah magaalooyinka Balet-weyne, Buulo burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad iyo tuulooyinka ku teedsan wabiga
Shabelle, waxaana loogu baaqay Xildhibaannada & Wasiirada Hir-Shabeelle ku metela dowladda dhexe ay u istaagaan waxka qabashada arrintaan.

Warsaxaafadeedka Maamulka Hir-Shabeelle  Hoos Ka Akhriso:-