Jaaliyadda soomaalida Zwoola oo ku ciiday xarunta cusub ee magaalada Nunspeet

Jaaliyadda soomaalida Zwoola iyo nawaaxigeed oo ku ciiday xarunta cusub ee magaalada Nunspeet, waxay kaloo ku ciidaan magalooyinka ay Jaaliyadda degan yihiin Sida Zwoola, Nijkerk, Nunspeet, Deventer Raalte iWezeb iyo Almelo.

Dhamaan musliminta ka kala yimid magaloyinkaasi ayaa waxaa ka muuqday wajiyadooda farxad iyo reenreen kadib Markii ay 30 maalmood ay soomanaayey oo ay soo guteen waajibkii eebe faray, waana markii ugu horeysay ay meel ku wada ciidaan salaadul ciid, muslimintaasi oo ku kala nool dhowr magaalo oo isku dhow.

Tani in ay hirgasho Waxay aheed kadib Markii uu dadaalo sameeyey gudoomiyaha Jaaliyadda soomaliyeed Cabdulqaadir Cali Nuune oo waqti badan geliyey si uu u qabsoomi lahaa kulankaasi

Tani ayaa soo dadjin doontaa in Jaaliyadda ay hellaan masaajid ayaga u gaar ah muslimiinta ku nool deganadasi soomali qura meysan aheyn dadka ku salada ciida meel qura kuwada dukaday ee waxaa kamid ahaa yeen muslimiinta kale ee kunool magalada Nonisbiit oo ayagana sanado hore aan heysan goobo lugu cibaadeysto.

Ugu danbeytii muslimiinta halkaasi Ku kulantay Waxay u duceeyeen muslimiinta Falastiis in Ilaahey ka qaado dhubaatada haysato, anaguna hadaanu nahay bahda somaliweyn Waxaan u rajeyneynaa sidaasi iyo si ka fiican.

Bashiir Jiidaal somaliweyn Holland