Hambalyo Ciid Al fidri, Qudusna ha moogaan!!!=Warbixin Kooban=

Waxaan kuugu Hambalyeynayaa Ciidul Fidri, in Camalkaagii wanaagsanaa ee Bishii Ramadaan Alla kuu aqbalo, Dunuubtaadiinii Alle ha kaa Cafiyo.
In kasta oo dhibaato Culus Muslimiin Badan ey ku heeyso wadamadooda, Haddana ha hilmaamin Dhibaatada heysato Muslimiinta Joogto Qudus, iyo Masjidkii Barakeeysnaa oo laga celcelinayo Gaalo rabto in ey gubaan. Haku haleeyn Carab oo kaliya, haddaadan wax kale u tari karin u duceey.
Xusuuso Salaaxu diin Al ayuubi Geesigii Kurdiga ahaa. Al-Nasir Salah ad-Din Yusuf ibn Ayyubi (1137 – 1193) Dagaalkiisii Dib uga xureeyay Masjidka Beytul Qudus.
Intii uu socday dagaalkii Dib u xureeynta Qudus ,hal mar Salaaxu Diin kuma seexan firaash, mar kasta waxa uu ku dul hurdi jiray marba mid ka mid ah faradihii uu ku dagaalami jiray.
Markii la yiri: Sayid Salaaxu Diinoow waad daashashay ee soo dag oo firaash ku jiifo. Waxa uu yiri: Hadalkiisii caanka ahaa oo macnahiisu ahaa (Ma rabo ALLAAH in ay u muuqto, Salaaxu diin oo jiifa iyada oo gaaladiina Qudus heeysato).
Ciid wanaagdan, Muslimiintana Guul.
Qore: Yahya Amir