Madxweyne Farmaajo oo maanta u ambabaxaya Dalka Uganda, si uu uga qeybgalo Caleemasaarka Museveni.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kampala ee Caasimada wadanka Uganda sida ay sheegtay Af-hayeenka Madaxtooyada Uganda Lind Nabusayi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doono Caleema saarka madaxweyne Yuweri Museveni oo dhawaan markale loo doortay madaxweynaha Uganda.

Caleema saarka kadib madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in kulmo gaar la yeesho dhigiisa madaxweyne Museveni iyo Madaxweynaha Kenye Uhuru Kenyetta.