Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar xalay ka dhacay magalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa 6 qof ay ku dhinteen qarax xalay lala beegsaday saldhiga booliiska degmada Waabari.

 

Labo ka mid ah dadkii qaraxa ku dhintay ayaa ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad rayid ah oo wadada marayay markii uu qaraxa dhacayay.

Saraakiisha ku dhimatay qaraxa waxaa ka mid ah taliyahii Saldhiga Booliiska degmada Waaberi Axmed Baashane oo loo yaqiinay Calooleey iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde Cabdi Baasid Cabdullaahi.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadiq Doodisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

“Caawa fiidkii ayaa waxaa uu qof naftii halige ah uu isku qarxiyay saldhiga booliiska degmada Waabari ee gobolka Banaadir halkaasi oo uu ku haligay naftiisa iyo dad kale oo umadda Soomaaliyeed ka mid ah islamarkana qeyb ka ahaa booliiska Soomaaliyeed oo goobta ku sugnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

“Dadka meesha wax ku gaaray tira ahaan waa ilaa 6 qof oo dhimasho ah iyo 6 qof oo dhaawac ah iyo qofkii naftii haligaha ahaa oo naftiisa qaribay,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo rai’sul wasaare Rooble ayaa labaduba cambaareeyay qaraxa lala beegsaday saldhiga degmada waabari,

“Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka so baxay madaxtooyada.

Kooxda Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa ay ku dhinteen saraakiisha ka tirsanaa booliiska soomaaliya.