Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madxweyne Qoor Qoor oo ka shiray Xaalada Dalka iyo Doorashada.

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamkan oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo sida looga gudbi karo khilaafka doorashada ee weli taagan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi loo balansanyahay in uu Muqdishu ka dhaco 20 ka bishaan May.

Shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galli doona dhammaan madaxda shanta dowlad-gobolleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoona looga hadli doono xalinta khilaafka doorshada.

Beesha Caalamka ayaa ballan qaaday in ay fududeyn doonto shirkaasi, iyadoona kulamo gaar gaar ah la qaadanaysa madaxda Soomaalida.