Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon-ka oo shaaciyey halka uu ku dhici doono Gantaalka Shiinaha.

Telefishinka CNN-ka ayaa ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ku habsan doono dalka Turkmenistan oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia.

Warkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii si weyn loola socday Gantaalkaasi oo dhowr jeer beelay Jihada uu ku socday.

Gantaalkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 30 mitir waxa uu culayskiisu dhan yahay 21-ka tan.