Soomaaliya: “Xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya ma khuseeyo dacwadda badda”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ay tahay arrin gaar ah oo aanan khuseyn muranka badda ee ka dhex taagan labada dal.

Wuxuu intaas ku daray in dacwadda khilaafka badda ay go’aan ka gaari doonto maxkamadda Caddalladda Adduunka isla markaana ay sugayaan go’aan kama dambeys ah.

“Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah” ayuu ku yiri qoraal oo soo dhigay barta Twitter-ka.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, kaas oo hakad ku jiray muddo dhowr bilood ah.

Go’aankan ayaa lagu sheegay bayaan wadajir uga soo baxay labada dhinac oo uu warfidiyeenka u aqriyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliiya.