QM oo Sheegtay in 250.000 oo Qof ay Ku Barakaceen Qalalaasihii Muqdisho Ka Dhacay.

MUQDISHO:-Hay’adda gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNOCHA) ayaa sheegtay in dad tiradoodu ka badantahay 250.000 oo qof ay ka barakaceen qalalaasihii labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay in qalalaasahaasi uu abuuray xaalad hubanti la’aan ah sidoo kalena uu hakiyay gargaarkii bani aadannimo oo ay adagtahay in gurmad loo fidiyo deegaannada qaar.

Hay’adda ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 14.000 oo qof ay ku barakeec ilaa 26 goobood oo ku yaalla deegaannada Garasbaalley iyo Kaxda welina aanay helin wax gargaar ah iyada oo intaa ku dartay in barakacayaashu u baahanyihiin gargaar isugu jira cunno, hoyo iyo adeeg caafimaad. Waxaa kale oo ay hay’addu sheegtay in saaxiibbada ka shaqeeya arrimaha bani aadannimada ay ballaadhiyeen ka jawaabidda baahiyaha ka taagan Baardheere iyo Beledweyne.

Duullimadayada gargaarka oo sanad ka hor joogsaday ayaa iyaguna dib u billoqday si loo gargaaro dadka barakaacayaasha ah ee gudaha dalka ku tabaaleysan.