Hirshabeele ma hartay ? Ar, Jowhar iyo Buulaay yaa dayacay.

Ar Jowhar iyo Buulaay, Maalmahaan Roobab ayaa ka Da’ayay, Galabtana waa ka da’ay, welina Cirku waa irmaanyahay. Kuleejadii ex. American Menonate Mission .Shabelle college iyo Buundadii Buulaay waa barqaaqo. Beertaan oo kaliya ayaa Bilic sami kaaga filan, Beeraha kale bad iyo Buur waa barwaaqo, Jowhar iyo Buulaayba Dadkoodiyaa ka bakhoolay ( F.S:1- 30).
Dhul barwaaqaa, iyo Shacab shaqeeysaa waa diyaar.
Yaa dayacay Jowhar, iyo Buulaay maxaase ka maqan?
waxaa ka maqan.
Maddax maamusho, Ganacsato Maalgashato, Gob u gurmato, Hobalo u heeso, Qurba joog u soo Qondhaca doonato, Xildhibaan Xaqeeda u raadiyo, Siyaasi u sahamiyo, Aqoon yahan u adeego, Asgari Amniga sugo, dhaliyaro wax ka dhisto, odayaal ka arimiyo, Geesi garab istaago, sheikh Shaafiin Akhriyo, muruqmaal mashiinada kiciyo, iyo…..
kuligood meelo Baraf iyo Boor leh ayeey Baaso ka jariyeen, Barwaaqadaana waa ka tageen.
Ma hilmaamayo Kollegkii aan ku soo koray, Anniga lafteeyda igu dar kuwa wax dayacay.
Qore: Yahya Amir