Weli Horay ma u ogayd inTowxiidka “Laa ilaahi illaalahu” uu ka kooban tahay 12 Xaraf.=Nasashada Jimcaha.Q-251=

1. waa Markii iigu horeysay oo aan ogaaday macluumaadkaan la xiriiro Miisaanka tirada 12.
Hore waan u ogaa in Maalintu 12 saac tahay, Habeenkuna12, in Sannadku yahay 12 Bilood. Laakin waa Markii iigu horeysay oo aan ogaaday in:


a) inTowxiidka “Laa ilaahi illaalahu” uu ka kooban tahay 12 Xaraf.
b) in “Muxamadu Rasuulu laahi” ey ka kooban tahay 12 Xaraf.
c)in Magaca “Abuubakar Al sadiiq” uu ka kooban yahay 12 xaraf.
d) in Magaca “Cumar Binul khidab” uu ka kooban yahay 12 Xaraf.
d) in Magaca “Cuthman Bin Cafaan” uu ka kooban yahay 12 Xaraf.
e) in Magaca “Cali Bin Abii Daalib” uu ka kooban yahay 12 Xaraf. ( F.M: 1aad)
( Annigu Haddaan ogaaday arrintaa ee Adigu Hore ma u ogeyd.Allah ayaa ku cilmi leh waxa Miisaanka 12 looga wada dhigay)
2. Mucjisada Suuradda Al- Qadri: Suuradani waxa ey noo sheegee in uu jiro Habeen la yiraa “Leylatul Qadri” oo ah Heenkii Qur’aanku soo dagay, Habeen ka khayr badan 1000 Bilood sida Qor’aanku noo sheegay, Cabaado khayrkeedu la egyahay Adigoo cibaadeysay 83 Sanno 3 bilood iyo 4 cisho. ( 1000÷ 12= 83.3333.) waa Adiga oo noloshaada ku dhameystay Cibaado.
Habeenkaa waxaa naloo sheegay in uu ku jiro Bisha Ramadaan, laakin nalooma sheegin Habeenka uu ku Beegan yahay. Culimadu waxa ey u badiyeen in uu ku jiro 10ka Dambe ee Ramadaanka, weliba qaarkood ayaa yiraa waa 29 ka ama 27da Ramadaan. Alaah ayaa ku cilmi leh.iyaga oo fiirinayo Mucjisada Suuradaan ku jiro iyo Caddadka 27 ayeey Culima badani yiraahdeen sidaa, waa suura gal in Habeenka 27da Ramadaan ey ku beegan tahay, Laylatul Qadarku. Saddax ka mid ah Culimada waaweeyn ayaa qabo in Laylatu Qadri ey noqon karto 10ka dambe ee Ramadaan haddii ey ku soo aado Jimco, weliba ah tiro Kisni hal dheeraya ah, Caawa waa jimco waana 10ka dambe, waana tiro Hal dheeri ah, Allaah ayaana nooga Cilmi leh.
Culimada Casirigan oo Cilmi baaris ku sameeyay “Suurada Al Qadari” ayaa la kulmay Mucjisooyin ku saabsan Miisaanka Allaah uu siiyay Suuradaan:
a) Tirada Kalamadaha Suuradan yar ku jiro waa 30 kalmadood oo u dhiganto Tirada 30, oo ah Inta Jus oo Qur’aanku ka kooban yahay.
b) Tirada Xuruufta ey Suuradani ka kooban tahay waa 114, taa oo u dhiganto Tirada Suuradaha Qur’aanka.
c) Kalimada “HIYA” ee Suuradaan ku jirto oo ah Kalimadda Tilmaamee ama loola jeedo “Leylatul Qadar” waa Kalmadda 27aad ee Aayadda Suuraddaan, Halka la dhigay Kalmadda “Hiya” oo la macna ah “Laylatul Qadri”.ama Habeenka 27aad halka uu Bisha uga jiro.
d)Kalmadda “Al qadar” oo magaca suuradda ah, waxaa lagu sheegay isla Suuradaan Dhaxdeeda 3 Mar, halka lagu beegayna waa Kalimadda 5, 10, iyo 12aad. Saddaxdaa meel ayeeyna Suuradda uga jirtaa. Haddii la isku Daro Saddaxdaa.5+10+12=27.
( waxaan ku jirnaa 10kii ugu dambeysay, Ramadaanka, Allah hana waafajiyo in aan Cibaadada Badino Habeenkaa, Allah ha naga Aqbalo Cibaadadaa, Fiiri: Suuradda miisankeeda (F.M: 2 ) Aamiin, Aamiin)
3. Dr. Axmed Ciisa Al macsaraawi oo ka hadlayo sida loo karaameeyay Qur’aanka kariimka ah, ayaa yiri:
a) Qur’aanka waxaa loo soo dhiibay Malakul Jibriil, Sidaa waxa uuna Malakul Jibriil ku noqday Malagga ugu Fadliga Badan Malaa’igta.
b)waxa uu soo Gaarsiiyay Qur’aanka Nabi Maxamed CSW, waxa uuna noqday Nabi Muxamed CSW kan ugu khayrka badan uunka Alle oo dhan.
c) Nabi Muxamed waxa uu Qur’aanka u soo gudbiyay “Ummatu Muxamed”. Ummatu Muxamed waxa ey noqotay Tan ugu khayrka badan Basharka oo dhan.
d) Qur’aanka waxaa la soo dejiyay Bisha Ramadaan, Ramadaan waxa ey noqotay Bisha ugu khayrka badan Bilaha.
e) waxaa la soo dejiyay Habeenka “Laylatul Qadri”, waxa ey noqotay Habeenka ugu khayrka Badan Habeenadda. ( F.M: 3aad)
( Allaah hana waafajiyo Habeenkaa, Cibaadadana ha naga Aqbalo)
4.Haddii aad Bank Lacag dhigato, faa’iido wadaag ayaad sugee. Haddii aad dhimato kadib ma sugee Ajar kaaga socdo cammal Qof kale qabatay. Haa. Fiiri Xadiithka Saxiixul Jaamaca ku yaal ee Rasuulku CSW uu ku sheegay,7da Ajirkoodu kuu soconaa Geeridaada Kadib, waxaa ku jiro Ubadkaagaa oo Dambi dhaaf kuu weeydiiyo Geeridaada kadib ( F.S: 4aad ). Fiiri Xadiithka kale ee Rasuulkeena CSW uu nagu yiri: Qofkii Rabo in uu la xiriiro Aabahii oo Qabriga ku jiro, hala Xiriiro Aabahii walaalahii, Geerida Aabe kadib. ( F.S: 5aad ). Sida ku cad Xadiithka kale ee Muslim uu wariyay ” Janno ma galo Qofka qaraabo gooyga ihi, ( F.S: 6aad) . Sida ku cad Xasiithka uu wariyay Axmed. Rasuulka ayaa yiri: Qof ayaa Darajadiisa Jannada kor loo qaaday !!!. Markaa ayuu yiri: Xageen ka helay darajadaan ?. waxaa lagu yiri: Uabadkaaga oo Dambi dhaaf kuu weeydiiyay ( F.S: 7aad ). Geerida waalidkaa kadib,ugu duceey ” Allow ugu Naxariiso, sidii ey iigu naxariisreen markii aan yaraa” , sida naloogu sheegay Aayadda Qur’aanka ( F.M: 😎.
( Ubadkaaga maku rabaayeeysay, in Noloshaada iyo Geeridaada kadibba, ey Adiga iyo Ummadda Islaamka ah anfacaan, mise hortaada u soco ayaad tiri. Ubadka ku barbaari tarbiyo fiican)
5. Nin Caaqil ah ayaa yiri: Ha ku faanin Muuqaalkaaga, Adigu ma sameeysane, hana ku faanin Nasabkaaga Adigu ma doorane. ku faan Akhlaaqdaada Adigaa ka masuul ahe, ( F.S:9aad ).
( Haye, Laf weeyn,Qandaf qandafta dhaaf, Lafweynnimo ma ahan wax aad Adigu xulatay)
6. Xikmad hore ayaa leh Haddii Jirka iyo muuqaalku ey ka muhimsan yihiin Ruuxda. Ruuxda looma qaadeen Sammada, Jirkana loogama tageen Carradii lagu Aasay. Meeqo Magaceedu uu dhulka Caan ku ahaa, ayaan Sammada laga Aqoon. meeqo aan dhulka laga Aqoon ayaa Sammada laga yaqaan Magacooda. ( F.S: 10aad ).
( Dhulka oo magacaagu Caan ku noqado, waxaa kuu dhaanto, magacaaga oo Sammada Malaa’ikatu raxma ey wada yaqaaniin)
Gunaanad:
waxaa intaa noogu eg Nasashadii Jimcaha ee Afartii Jimco ee Ramadaankaan aan ku Nasanay, Dhinaca Diinta iyo Aklaaqda wanaagsan.
FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Soonka Allah Ha noo aqbalo, Laylatul Qadarna Alla hana waafajiyo. Aamiin.
Qore : Yahya Amir