Ciidamadii Diidanaa Muddo kororsiga oo Magaalada laga saarayo.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in ciidamada isku horfadhiyey magaalada Muqdisho ay dib ugu noqdaan xeryahoodii, kaddib markii shaley Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadan.

Waddooyinkii magaalada ayaa laga qaaday dhifeysyadii carada ahaa, waxaana maanta la dhameystirayaa howshaas sidaasi waxaa laanta Afka Soomaaliga ah VOA u sheegey Gaashaanle Diini Rooble Ahmed oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ee la baxay Badbaado Qaran.

Dadaaladii ciidanka looga saarayo magaalada Muqdisho ayaa saakay ka socda gobolka Banaadir.

Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.

Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wareejiyay goobaha la furay ee jidka Mirinaayada ciidanka Booliska, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska.