Quraanshadii Somalida la hadashay.=Faallo=

Wakhti Jiilaal ah ayaa 12 Quraansho oo Sahan ah, waxaa ey Dhibic Biyo ah ku arkeen Caleen Dusheed.

Waxaa loo soo kala orday Geedkii Caleentu ku tiil, waa la isa sugay. Quraanshadii Hogaamisada u aheyd ayaa tiri: Haddii sida Somalida si xasil daro ah aan ugu shamuumno Biyaha, Miisaankeena ayaa dhinac u badanaa, Caleentaa dhinac u janjeersanee, kadibna Dhibacda Biyaha ah ayaa naga daadanee, waxaaba suuragal ah, Daadka ka soo Rogmado Dhibacdan Biyaha ah marka ey Janjeersato, in uu qaarkeen la tago.

Aan Fikirno, ismaqalno, Si siman aan u wadaago, si Miisaanka loo ilaaliyo 12 keena Quraansho aan 4ta Dhinac ee Biyaha isku qeeybino, 3ba dhinac ha ka Cabeen Biyaha, Anniga Hogaamiyadda ah, Sad bursi ma rabo ee Safka ayaan dhinac ka galayaa, Sidaa ayaa Cadaalad ah, Annaguna aan Biyaha ku wada cabi karnaa, nafteenuna ku wada Badbaadi kartaa.( F.S: 1aad).

Annaga oo Quraansho ah, Haddii Hal dhibac oo Biyo ah aan ku heshiinay, Somalidu Hal ceel oo Shidaal ah ma ku heshiin karaan?, mise Biyaha Baddaba kuma heshiin karaan?.

Somaliyeey aan Quraanshadaa Darsi ka qaadano.

Qore: Yahya Amir